HomeWararUganda oo War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ee Baraawe  

Uganda oo War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ee Baraawe  

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Uganda ayaa War kasoo saartay Weerar Ismiidaamin ah oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Afhayeenka Ciidanka Difaaca ee Uganda Richard Karemire oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kampala ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Uganda ay iska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Uganda ayaa War kasoo saartay Weerar Ismiidaamin ah oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca ee Uganda Richard Karemire oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kampala ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Uganda ay iska difaaceen weerarkii shalay kaga yimid dhanka Al-shabaab ee ka dhacay Magaalada Baraawe.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Afhayeenka inay gubeen laba gaari oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu soo weeraray Saldhiga Ciidankooda ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Baraawe.

Isaga oo sii hadlaayay Richard Karemire ayaa waxaa uu sheegay in weerarka wax Khasaaro ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uusan kasoo gaarin Ciidankooda ayna iska difaaceen, wuxuuna xusay in heegan buuxa la geliyay Ciidanka.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen in weerarkii shalay ay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyeedba ku gaarsiiyeen Ciidanka Uganda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts