Uganda oo sheegtay in askar Magaalada Marka looga dilay maalmihii uu Farmaajo booqashada ku joogay

Ku-xigeenka Afhayeenka Ciiddanka dalka Uganda, Kolonel De Akiiki Asiimwe ayaa sheegay in 2 Askari looga dilay weerar jid-gal ah oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab la beegsadeen Ciiddamo roondo ka hayey magaallada Marka.

Waxa uu intaasi Ku daray in tiro ka tirsan Ciiddankooda lagu dhaawacay weerarkaasi oo dhacay xilli uu Madaxweyne Farmaajo booqasho ku joogay Marka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeen ku hoyday magalada halkaas uu dib u heeshiisin uga sameeyey laba beel oo mudo dagaalamayey maleeshiyadooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor