Uganda oo ka digtay weeraro ay Alshabaab ka geystaan Uganda, Kenya iyo Ethiopia

Afhayeenka Ciiddanka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa ka digay weeraro ay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay silsilado weeraro ah ka geystaan Uganda inta lagu guda-jiro bishan Ramadaan.

Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka ee XINHUA ayaa sheegay inay Hay’addaha Ammaanka heleen Warbixino Loo-qaateen ah oo dhinaca Mukhaabaraadka, oo muujinaysa inay Dagaalamayaasha qorsheysteen in inta lagu guda-jiro bishan Ramadaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Somalia, Uganda, Kenya iyo Ethiopia.

Afhayeenka Boliska Uganda, waxa uu sheegay in ay tuhun weyn ka qabaan inay Alshabaab geysan doonaan weeraro la mid ah falkii  Isqarxinta ee ay Alshabaab maalintii Axadda ee la soo dhaafay la beegsadeen Xarunta Tababarka Ciiddanka Nabadsugidda ee magaalladda Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, ma aha markii ugu horreysay oo ay Hay’addaha Ammaanka ee Uganda digniino ka bixiyaan inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo wajahan yihiin Uganda.

Cabsidan ayaa salka ku haysa Hanjabaado ay Alshabaab horey ugu sheegeen inay beegsan doonaan dalalka ay ciiddanka ka joogaan gudaha dalka Somalia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay fuliyeen Is-qarxintii Malaatanaha ee ka dhacday caasimadda dalka Uganda ee Kampala, oo lagu dilay in ka badan 76 qof, laguna dhaawacay Tobaneeyo kale.

© Warqabadka Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor