Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100 bilyan oo doolar, taasoo uu sheegay inay tahay khasaaraha ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya. Muhoozi wuxuu sheegay in Mareykanka uu si weyn ugu tiirsanaa ciidamada Uganda si loo gaaro himilooyinka Washington ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Muhoozi wuxuu ku sheegay qoraallo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka in Mareykanka ay ku leeyihiin lacagtaas magdhowga ah, isagoo ku tilmaamay in Uganda ay qaadatay mas’uuliyad weyn oo ah nabad ilaalinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Mareykanka, kadib markii Washington ay cunaqabateyn ku soo rogtay mas’uuliyiin Ugandha ah oo ku lug leh sharciga ka hortagga LGBT ee dalkaas laga ansixiyay. Mareykanka ayaa sidoo kale ka saaray Uganda faa’iidooyinka ka mid noqoshada barnaamijka Fursadaha Kobaca Afrika (AGOA), taas oo siinaysay waddamada Afrikaanka ah ee ka hooseeya Saxaraha inay si cashuur la’aan ah u galaan suuqyada Mareykanka.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed El-Amine Souef, ayaa isna xaqiijiyay in howlgalka ATMIS uu diiwaan geliyay ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah oo u badan askarta ka socota Burundi iyo Uganda, taas oo muujinaysa saameynta weyn ee dagaalka Soomaaliya uu ku yeeshay ciidamadan. Boqolaal ka tirsan askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay Muqdisho oo looga gol lahaa in Al-Shabaab looga saaro caasimadda Soomaaliya.