Tuulladii ay Alshabaab weerareen oo dadkii laga daad-gureeyey iyo Uhuru oo booqday dadkii dhaawacmay

In ka badan 100 qof ayaa laga soo daad-gureeyey Tuullo ka tirsan Degmadda Mandera oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab habeen hore weerareen, laguna dilay 14 oo qof oo Kenyan ah.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa booqday dadkii ku dhawaacmay weerarkaasi oo la dhigay Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairbi.

Agaasimaha Ibsitaalkaasi, Lily Koros ayaa sheegay in 8 qof oo dhaawac ah la keenay oo labo ka mid ah xaalladooda liidato.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaiserry ayaa sheegay inay Tuulladda Barwaaqo ka soo daad-gureeyeen 136 qof oo Kenyaan, kuwaasi oo Diyaarad lagu geeyey Nairobi.

Taliyaha Ammaanka Mandera, Alex Ole Nkoyo ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weerarkaasi u adeegsadeen bambooyin iyo tacshiirad ay ku fureen guri ay jiifeen shaqaale ka mid ah kuwa ka xoogsada Kawooyinka Dhagaxa ee magaalladda Mandera.

Waxa uu sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka soo gudbeen xuduudka Somalia, ka hor intaysan weerar ka geysanin Deegaanka Barwaaqo ee Mandera.

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenya ayaa hawlgal ballaaran ka bilaabay Tuulladdii uu weerarku ka dhacay, waxayna sheegeen inay baarayaan haaddii ay jiraan dadka deegaanka oo Alshabaab ku wehliyey weerarkaasi.

Bishii December ee sannadkii hore, weerar ay Alshabaab ka geysteen Tuulladda Barwaaqo ee Mandera ayaa waxay ku dileen 36 shaqaale Kenyaan oo ka xoogsan jirtey Kaawooyinka Dhagaxa.

© Radio Dalsan

uhuru (3) MANDERA 33 Mandera

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor