HomeCaalamkaTurkiga oo xayiraad Fiisaha Transit-ka ku soo rogay 10 Dal oo ay...

Turkiga oo xayiraad Fiisaha Transit-ka ku soo rogay 10 Dal oo ay ku jirto Somalia

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci  culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit ku sii ah Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo  ku sii wajahan dalalka Mexico,  Panama,  Columbia iyo Venezuela. Dowladda Türkiye ayaa qaadatay Sharciga Cusub, si looga hortago Muhaajiriinta an caadiga ahayn ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Laga bilaabo bishan April 15-da ee sanadkan 2024-ka waxay Dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa Sharci  culus oo lagu soo rogay Dhoofayaasha Transit ku sii ah Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo  ku sii wajahan dalalka Mexico,  Panama,  Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay Sharciga Cusub, si looga hortago Muhaajiriinta an caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan Xuduudaha Maraykanka.

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday Ubucda Waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee Caalamka.

Sharcigan Cusub waxa uu saamaynayaa Dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara Garoonka Istanbul Airport ee ku sii wajahan dalalka Mexico,  Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea,  Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan Fiisaha Elektoroonikada ee Transit-ka Garoonka.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed (Diplomatic sources) ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye (The Turkish Ministry of Foreign Affairs) soo dhamaystirtay dhamaan Diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista Codsiga Elektoroonikada ee Fiisaha Transit-ka ee Garoonka (The  electronic application for the airport transit visa (e-HTV), si loogu dabaqo Sharciga Fiisaha Transit-ka ee Garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-da.

Si kastaba, waxaa sii kordhayo tirada Muhaajiriinta  sharci-darrada ee ka kala socda dalal kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Latin America ee u adeegsada Duullimaadyada  (Via Türkiye) si ay u gaaraan Waqooyiga America.

 

W/Q Ustaad Nuuradiin 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts