Turkiga oo War kasoo saaray Qaraxii lagu weeraray Saldhigooda Muqdisho

Dowladda Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Erdogaan ayaa War kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa waxaa si kulul loogu Cambaareeyay Qaraxaas Ismiidaaminta uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee Magaalada Muqdisho.

”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka, waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Turkiga.

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay qaraxa, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaadka, waxaana Mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab, iyagoo tilmaamay in xubno ka tirsan iyaga ay isku qarxiyeen bar Koontarool ay ku sugnaayeen ciidamo tababar loo qaadanayay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media