Caadil Bin Axmed Al-Jubeyr oo ah Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa uu si kulul u weeraray Dowladda Turkiga isaga oo sheegay inay taageeraan waxa uu ugu yeeray Maleeshiyooyin Xag-jir ah oo ku sugan 3 Dowl oo Carbeed kuwaas oo kala ah Somalia, Libiya iyo Syria, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kalana Wasiirka oo Shir Jaraa’id ku qabtay Caasimadda dalka Bulgaria ee Bukharest, ayaa carrabka ku dhuftay inay Dowladda Sacuudiga cambaaraynayso Gelitaanka Turkiga ee gudaha dalka Syria iyo Taageeradda Turkiga ee Maleeshiyooyinka ku sugan dalalka Somalia iyo Libya.
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Bin Axmed Al-Jubeyr waxa uu Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay in ay Dowladiisa ka walaacsan tahay in Maleeshiyadda ku sugan dalka Syria loo daad-gureeyo dalka Libiya, isaga oo ugu baaqay Gen: Khaliifa Xaftar iyo Ra’isul-wasaaraha Libiya inay xal siyaasadeed gaareen si loo dhameeyo colaadda daba dheeraatay eek a taagan dalkaas.