HomeWararTurkiga oo joojiyay Qorshe Nin Soomaali ah loogu gacan gelin lahaa Mareykanka

Turkiga oo joojiyay Qorshe Nin Soomaali ah loogu gacan gelin lahaa Mareykanka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay laashay qorshe la doonayey in Muwaadin Somali ah loo masaafuriyo dalka Holland, kaasi oo khatar ugu jiray in loo gacan-geliyo Hay’addaha Maraykanka. Ninkaasi oo lagu magacaabo Axmed Diini, haystana dhlashadad dalka Dutch ama Holland waxa uu wajihi lahaa  Amar Soo-qabasho oo ay Hay’addaha Maraykanka ku sheegeen inay ninkaasi ku soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay laashay qorshe la doonayey in Muwaadin Somali ah loo masaafuriyo dalka Holland, kaasi oo khatar ugu jiray in loo gacan-geliyo Hay’addaha Maraykanka.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Axmed Diini, haystana dhlashadad dalka Dutch ama Holland waxa uu wajihi lahaa  Amar Soo-qabasho oo ay Hay’addaha Maraykanka ku sheegeen inay ninkaasi ku soo oogi doonaan falal Argagixiso.

- Advertisement -

Dukumenti ay si qarsoodi ah u aragtay Shabakadda Wararka ee Nordic Monitor ee dalka Sweden ayaa muujiyey inay Maxkamadda Sare Turkiga joojisay go’aan Muwaadinka Soomaalida loogu dhoofin lahaa dalka Holland.

Hay’addaha turkiga waxay xilligaasi u xireen Muwaadinkaasi  isagoo ku jiray Liiska dadka loo doonayey inay xiriir la leeyihiin Alshabaab, waa sida ay qortay Shabakadda Wararka ee Nordic Monitor.

Ahmed Diini oo awoowe u ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia, Marxuum Maxamed Siyaad Barre waxaa isaga iyo Xaaskiisa oo u dhalatay dalka Jarmalka  lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Istanbul ee dalka Turkiga bishii March 23-dii ee sannadkii 2014-kii, xilli ay ka yimaadeen dalka Msaar, kuna sii jeedeen dalka Holland.

- Advertisement -

Axmed Diini waxaa horey ugu xirnaa dalka Masar tan iyo bishii August 13-dii ee sannadkii 2013-kii.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee dalka Turkiga waxay bishii hore ee April 3-dii dib-u-eegis ku samaysay Kisikaasi, waxayna sheegtay in masaafrintiisa ay xad-gudub ku tahay  Sharuucda Caalamiga.

Maxkamaddu waxay kaloo ku amartay Dowlaadda Turkiga inay Dhibanaha siiyaan lacag magdhow ah oo dhan 10,000 oo Liiraha Turkiga (Turkish Lira).

Axmed Diini waxaa la siiyey Badbaadin, iyadoo lala soconayo Dhaqdhaqaaqiisa, mana jirto go’aan degdeg ah oo lagu masaafurrin doono.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts