Turkiga iyo Uganda oo iska kaashanayo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda

Haweeneyda Safiirka Turkiga uga ah dalka Uganda, Sedef Yauzalp ayaa sheegtay inay labada Dowladood iska kaashan doonaan La-dagaalanka Argagixsadda iyo Daroogadda.

 Iyadoo ka hadlaysay Kulan ay la yeelatay Taliye-xigeenka Boliska Uganda ugu qaabilsan Hawlaha Khaaska, Andrew Sorowen ayey sheegtay in Saraakiisha Boliska Uganda lagu soo tababari doono gudaha Turkiga, si ay u bartaan Hawlgalladda ka dhanka ah  La-dagaalanka Argagixisadda, Daroogadda iyo Burcadda dhaca u geysta Internetka.

 Ambassador Sedef Yauzalp, waxay intaasi ku dartay inay Boliska Turkiga khibrad ballaaran u yihiin Hawlgalladda ka dhanka ka ah Kooxaha loogu yeero Argagixsadda, waxayna xustay inay ka war hayaan weeraradii ka dhacay dalka Uganda.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa horey ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dalalka Bariga Afrika inay iska kaashadaan La-dagaalanka Alshabaab, oo iyagu dhowr jeer weeraro ka fuliyey gudaha Uganda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor