Trump oo ugu baaqay Ilhaan Omar inay iska casisho Kongareeska Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Ilhaan Omar isku casisho hadalkeedii Israel-nacaybka ahaa, kuna naqdisay Galaangalka ay Isreal ku dhex leeyihiin Siyaasadda Maraykanka.

Donald Trump oo ka hadlay Shir ay lahaayeen Golihiisa Wasiiradda ayaa waxa uu sheegay inuu u malaynayo inay Ilhaan Omar iska casisho Kongareeska ama inay ka baxdo Guddiga Arrimaha Dibedda ee Kongareeska Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan falka Nacaybka meel ku dhex lahayn Kongareeska Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay, isagoo dhanka kalena Raalli-gelintii ay bixisay ku tilmaamay mid kala dhantaalan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Trump ee uu ku mucaaradayo Ilhaan Omar ayaa waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii ay Raalli-gelin ka bixisay hadalkeeda ka dhanka ah Israel iyo Kooxaha Maraykanka ee u ololeeya Danaha Israel oo ay ku sheegtay inay yihiin carruurta Binjamiin Natayaahu.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media