Trump oo sheegay inay NATO ku heshiiyeen kordhinta Kharajka Difaaca iyo dhigiisa Faraniiska oo beeniyey.

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Caasimadda dalak Belgium ee Brussels oo uu ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah NATO kulan uga socday.

Waxaa uu sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay inay Dowladaha Isbahaysiga NATO ku heshiiyeen in la kordhiyo Kharajka Difaaca ee dalalkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanwel Makrom waxa uu beeniyey sheegashada dhigiisa Maraykanka ee ku aadan inay Dowladaha Isbahaysiga NATO taageereen in la kordhiyo Dakhliga Difaaca.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Trump ku goodiyey inay Maraykanka isaga bixi doonaan Isbahaysiga NATO oo la asaasay muddo haatan laga joogo 70-sanno.

Laakiin, Madaxweynaha Faransiiska ayaa beeniyey inuu Madaxweyne Trump hadalkasi ka sheegay Shirka Madaxda Isbahaysiga NATO.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media