Doorashada Mareykanka ee sanadkan ayaa mareysa marxalad xasaasi ah, iyadoo loolanka musharraxiinta heerkii ugu kululaa gaadhay. Donald Trump ayaa hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah, isagoo codad yar kaga horreeya Kamaala Harris.
Gobollada Pennsylvania iyo Michigan ayaa haatan ah kuwa ugu muhiimsan, maadaama haddii uu Trump ku guuleysto mid ka mid ah labadan gobol, ay furi karto waddo uu ugu guuleysto xilka madaxtinnimada.
Sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeysay ee doorashada, Trump ayaa hadda ku horreeya Harris codadka electoral college oo gaaraya wax ka badan 30 cod, kuwaas oo muhiim u ah cida ku guuleysan doonta madaxtinnimada Mareykanka.
Xarunta ololaha Kamala Harris ee Washington ayaa sawirro niyad-jab ah laga soo sheegay, iyadoo qaar ka mid ah taageerayaasheeda ay ka baxeen goobtii la qorsheynayay in ay ku qabtaan dabaal-degga haddii guul laga gaaro doorashada. Weli Harris lama filayo inay khudbad jeediso, iyadoo la aaminsan yahay inay go’aankeedu ku xirnaan doono xaaladda natiijooyinka gobollada ugu waaweyn.
Doorashadan ayaa si gaar ah loo indha indheynayaa iyadoo ay adkeysi iyo xaalad aan degganeyn ay ka muuqato labada dhinac.