• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, June 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Trump oo ku eedeeyay Shiinaha in uu Sheybaar ku sameeyay Covid 19

Bilan Media by Bilan Media
May 1, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu muuqday in halka uu ka yimid coronavirus ay isku maandhaafeen sirdoonka Mareykanka mar uu tilmaamay inuu arkay caddeyn ah in coronavirus lagu sameeyay shaybaar ku yaal waddanka Shiinaha.

Goor sii horraysay xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday.

Hasayeeshee xafiiska ayaa sheegay in ay ogaadeen in Covid-19 “uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay”.

Shiinaha ayaa gaashaanka u daruuray in cudurka shaybaar lagu sameeyay waxa uuna Mareykanka ku dhaleeceeyay habka uu Covid-19 uga falceliyay.

Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay 3.2 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 230,000 oo qofna ay u dhinteen.

Mar uu Khamiistii ka hadlayay Aqalka Cad, ayaa weriye goobta ku sugnaa ayaa Mr Trump waxa uu waydiiyay: “Ma waxaad aragtay waqtigan wax kalsooni sare ku siinaya in Mac-hadka Wuhan ee arrimaha Virology-ga uu ahaa midka uu asal ahaan ka soo jeedo fayraskan?”

“Haa, waan hayaa. Haa, waan hayaa,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoon wax faafaahin ah bixin.

“Waxayna ila tahay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay cayb isu soo jiidday sababtoo ah waxa ay hay’addu u dhaqmaysay sida iyadoo ah wakaalad ka tirsan Shiinaha.”

Goor dambe oo la waydiiyay inuu hadalkiisa kala caddeeyo, ayuu Trump yiri: “Taas kuuma sheegi karo. La iima ogola inaan middaas kuu sheego.”

axa uu weriyayaasha u sheegay: “Haddii iyagu [Shiinaha] uu si khaldan u sameeyay, ama si khaldan uu ku sii bilowdayba markaas ayey khalad kale sameeyeen, ama qof ayaa si ku talagal ah wax un u sameeyay?

“Ma garankaro sida sida dadka aanan loogu ogolaan inay tagaan qeybaha kale ee Shiinaha, hasayeeshee loogu ogolaaday inay tagaan qeybaha kale ee dunida. Taasi waa mid xun, taasna waa su’aal adag oo ay tahay inay ka jawaabaan.

Wargeysa New York Times ayaa Khamiistii waxa uu ku warramay in saraakiil sarsare oo ka tirsan Aqalka Cad ay sirdoonka Mareykanka waydiisteen inuu baaro haddii fayraska uu ka yimid shaybaar daraasadaha lagu sameeyo oo ku yaal magaalada Wuhan.

Hay’adaha sirdoonka ayaa sidoo kale waxaa loo diray inay go’aan ka soo gaaraan haddii Shiinaha iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay xilli hore hayeen xog ku saabsan fayraska, saraakiil aanan magacooda la sheegin ayaa Arbacadii sidaasi u sheegay warbaahinta NBC News.

Bayaan dhif iyo naadir ah oo uu shaaciyay xafiiska Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka Mareykanka, oo ah midka dusha ka maamula hay’adaha sirdoonka dalkaas, ayaa waxaa Khamiistii lagu sheegay in ay la dhacsan tahay “dareenka guud ee dhinaca sayniska” markii ay timaado in cudurka Covid-19 uu asal ahaan yahay mid dabiici ah.

“Sirdoonku waxa uu sii wadi doonaa inuu si qoto-dheer u baaro xogta soo baxaysa iyo in sirdoonku uu go’aan ka gaaro haddii cudurku uu ka bilowday xayawaan ama haddii uu ku bilowday ficil si kama ah u dhacay oo lagu sameeyay shaybaar ku yaal Wuhan.”

Waxa ay aheyd jawaabtii ugu horraysay ee cad ee uu sirdoonka Mareykanku ka soo saaro arrimaha isdiiddan ee cudurkan, kuwaas oo ka imanayay Shiinaha iyo Mareykanka – kuwaas oo sheegayay in fayraskan uu yahay mid biology ah.

Xigasho BBC-Somali

Previous Post

Wasiir Maareeye “qof kasta oo dhinta dowladda Somalia waxa ay u aqoonsantahay in uu u dilay Coronavirus”

Next Post

Qofkii ugu horeeyay oo Puntland ugu geeriyooday Coronavirus

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo
Warar

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

June 11, 2025
Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah
Warar

Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah

June 11, 2025
Next Post

Qofkii ugu horeeyay oo Puntland ugu geeriyooday Coronavirus

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Changsha, China—At the margins of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) ministerial meeting held in Changsha, Hunan Province, China, Somalia...

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Mogadishu, Somalia — In a bold diplomatic move, the Federal Government of Somalia has formally demanded the dismantling of the...

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

by Ilhaan
June 12, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen...

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

by Ilhaan
June 12, 2025
0

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) ayaa ku dhawaaqday in Garsooraha Soomaaliyeed ee mudada dheer ka tirsanaa maxkamadda, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, uu...

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
English News

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
English News

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to Step Down Early from International Court of Justice After Historic Tenure
English News

Somali Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to Step Down Early from International Court of Justice After Historic Tenure

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Al-Shabaab’s Threat Determines Greater Egypt and Somalia Security Collaboration At Oslo Forum
English News

Al-Shabaab’s Threat Determines Greater Egypt and Somalia Security Collaboration At Oslo Forum

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
  • Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
  • 13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe
  • Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00