Trump oo amray in la duqeeyo Iran, balse ka laabtay markii ay diyaaradihii hawada galeen

Sida uu qorayo wargeyska New York Times, madaxweynaha Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in weeraro xagga cirka ah lagu qaado bartilmaameedyo ku yaala dalka Iran, balse go’aankaas si lama filaan ah uga laabtay markii ay diyaaradihii duqeyn fulin lahaa ay hawada gareen, sidoo kalena maraakiibta ay isu diyaariyeen hawlgalka.

Lama oga sababta ka dambeysa go’aanka madaxweynaha, balse wargeyska waxa uu sheegay in go’aankiisa joojinta duqeynta aysan la qabin wasiirka arrimaha dibedda Mike Pompeo iyo la taliyaha amniga John Bolton.

Ma jirto cid si rasmi ah uga hadlay waxa dhacay, balse New York Times waxa ay sheegtay in aanan la codsanin in la joojiyo daabicista warka sidii caadada ahaan jirtay.

Xiisadda Iran iyo Maraykanka ayaa cirka isku shareertay shalay kadib markii Iran ay soo ridey diyaarad kuwa wax basaasa ah oo uu Maraykanka leeyahay, taas oo ku fadhida $130 milyan doolar.

Wararka ayaa sheegaya in meelaha uu Trump amray in la weeraro ay ka midyihiin xarumaha raadaarka Iran iyo kuwa kale oo military ahaan muhiim ah.

Iran ayaa ku hanjabtay in ay is difaacdo, islamarkaasna aanan ka gorgortami doonin arrimaha qaar.

Guddoomiyaha Aqalka Congress-ka Nanci Palosi ayaa sheegtay in Maraykanka uusan diyaar u ahayn dagaal lala galo Iran xiligan, waxayna madaxweynaha ugu baaqday in uu ka digtoonaado in uu xaaladda cakiran uga sii daro.

                       Xigasho BBC-SOMALI

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media