Ugu yaraan 140 Askari ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaasi oo ka dhacay Saldhig ku yaalla magaalladda Mazaar-al-shariif ee Waqooyiga dalkaasi.
Saraakiisha waxay sheegeen in la filan karo inay tirada dhimashadda Askarta sii kordhaan.
Maleeshiyo ka tirsan Ururka Daalibaan oo ku labisnaa Dharka Ciiddankla Dowladda, isla markana watay Gaadiidka Milliteriga ayaa waxay duhurnimadii shalay weerareen Ciiddan ku sugnaa Saldhig Milliteri, ku dileen Askar badan.oo qaarkood qadaynyeen, halka kuwa kalena ay ka soo baxeen Masjid ay Salaaddii Jimcaha ku soo tukadeen.
Dhinaca kale, Afhayeenka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid ayaa sheegay inuu weerarkaasi ahaa mid ay kaga aar-goosanayeen weerar ay Ciiddanka Dowladda dhawaan ku dileen dhowr Saraakiisha Daalibaan ee ku sugan Waqooyiga dalkaasi.
©Radio Dalsan