Waxaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland si toos ah uga bilaabatay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Goobta ay ka dhaceyso Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku sugan Madax kala duwa sida Madaxda maamul Goboleedyada dalka,Siyaasiyiin,Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya,xubno ka socda Beesha Calaalamka, Marti sharaf,Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka,Wasiiro iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale goobta waxaa ku sugan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni,kuxigeenkiisa iyo Madax kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ayaa Caawa si aad loo adkeeyay.