Toogasho ka dhacday Hotel uu leeyahay Madaxweyne Trump

Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu toogtay meel ka baxsan Xeebta loo nasasho tago ee Madaxweyne Trump oo ku taalla magaalladda Miyaami ee Gobalka Florida ee dalkaasi.

Booliska Miyaami ayaa sheegay inuu ugu yaraan hal qof lagu dilay toogashadaasi, kadib, markii uu muran dhex maray dhallinyaro ku sugnaa meel ka soo horjeeda Hotelka Donald Trump ee  the Trump International Beach Resort oo ku yaalla magaalladdaasi.

Haweeney 19-jir ah oo lagu dhawaacay toogashadaasi ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka Adventura, mana kala cadda xaalladeeda.

Goobjooge ayaa sheegay inuu dagaalku u dhexeeyey labo kooxood oo ka tirsan kuwa qaada heesaha Raabka, isla markaana uu mid ka mid ah ku dhex geeriyooday gaarigii uu watay.

Booliska magaallaadda Miyaami waxay kaloo sheegeen inay ku raad-joogaan 3 Eedeysane oo ku hubeysnaa Qoriga AK 47 iyo dhowr Bistooladood.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media