Toogasho ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

Waxaa xalay fiidkii suuqa weyn ee Eden Prairie ee ku yaalla magaalada Eden Prairie ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka laga dhex maqlay rasaas, waxaana gudaha suuqa laga helay qof meyd ah.

Ciidanka Booliska magaalada Eden Prairie ayaa sheegy in xabad ka dhacday suuqa ay sababtay in uu nin dhintay.  Ninkan ayaa loo badinayaa in uu isagu is dilay oo uu is toogtay.

Weli lama sheegin magaca, da’da iyo jinsiyadda ninka meydkiisa laga helay suuqa weyn ee Eden Prairie Mall ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay 8:30 habeenimo warbixin ay saxaafada la wadaageen in kaddib markii ay gurmad deg-deg ah ku yimaadeen suuqa ay heleen nin meyd ah.

Waxay sheegeen in uu suuqu ammaan yahay oo aysan jirin wax halis ah oo ay wajahayaan shicibka iyo shaqaalaha ku suqun suuqa iyo agagaarkiisa.

Saddex todobaad ka hor ayey ahayd markii suuqa weyn ee Mall of America rasaas la isku riday.  Arrinta ayaa ah mid deg-deg ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor