Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidi sheegtay, in tirada dadki lagu dilay qaraxi habeen hore lagu bartilmaameedsaday Xeebta Lido ee magaalada Muqdisho ay gaartay 37 qof, halka dhaawacu uu marayo 247.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaji Aden oo wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 11 ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay weerarka kooxda Al Shabab, hase yeeshee wali si rasmi ah uma sheegan Al Shabab.
Weerarki Xeebta Lido ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, tan iyo bishi October ee sannadki 2022-ki, markaas oo laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.Xogo kale ayaa shegaya in Weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, halka lagu dhaawacay 300 oo ruux.