Tiradada dadka wadamada Islamka kaga geeryoday isbuurashii xajka oo lasoo saaray iyo 7 xaaji oo soomali ah oo geeryootay

Maqaal lagu qoray boga Telveshinka CNN-ka ayaa lagu sheegay si hordhac ah tiradda xujeynda sanadkaan ku geeryooday isbuurashadii ka dhacday xajka iyo dalalka qaar inta kagag geeryoodatay.

Inkbadan 2 Million oo ruux oo ka kala tagay Dunida Muslimka ayaa sanadkan u baxday in soo guduto rugni kamid ah Islaamka.

Isbuurashada ayaa waxaa ku dhintay 769 ruux halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dalka ugu badan ee dadkiisu ku geeryooday waxaa uu yahay dalka Iran oo 136 ruux ay kagag dhinteen halka 360 kalena la waayay.

Sidoo kale dalka India waxaa kagag geeryootay 22. Egypt 37-qof . Pakistan 18 ; Somalia, waxaa Iyana kagag geeryooday 7 ruux; Senegal, 5; Turkey, 4; halka Kenya iyo Algeria, ay kaga dhinteen min seddex ruux mid kasta.

Xujeyda ayaa xiligii ay shilka la kulmayeen waxaa ay kasoo laabtay sheydaan-tuurka.

Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Guddiga Xujeyda Soomaalida ayaa sheegay in todobada ruux ee ku dhimatay shilkaas ay afar ka mid ah ka yimaadeen dalka Kenya, halka saddexda kalena ay dhinaca Soomaaliya ka yimaadeen.

Dhinaca kale Shiiqa culumada Sacuudiga ugu wayn, Sheikh Abdul Aziz bin Abdullah al Sheikh, ayaa sheegay in isjiridii toddobaadkan ka dhacday xajka ee ay ku dhinteen inkabadan toddobo boqol oo qof inay ka waynayd awooda bini’aadanka.

Mufti ayaa u sheegay wasiirka arrimaha gudaha Amiir Maxamed bib Nayef, inuusan qalad ku lahayn masiibadii ka dhacday xajka, sababtoo ah amarka Ilaahey ayaan la joojin karin.

Iran iyo waddamo kale oo dadkooda ay ku dhinteen isjiirka ayaa dhaleeceeyay masuuliyiinta Sacuudiga sida ay u sugeen ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor