Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Waxaa isi soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia oo ku yaal inta u dhaxeysa Taalada Xaawa-Taako iyo Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho iyada oo qaraxu uu ahaa mid xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada.

Qaraxa markii uu dhacayay waxaa koontoroolka ka socday baaritaan Ilaaalada Madaxtooyadu ay ku hayeen gaadiidka aada Xarunta baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya ,waxaana bur-bur soo gaaray dhismo ganacsi gaadiid wadada marayay.

Dad goobjooyaal ah ayaa dalsan u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen ku dhawaad 5-qof oo is kugu jitra askar iyo dad shacab ah oo wadada socday iyo kuwa fadhiyay maqaayad ku taal ka soo horjeedka Taalada Xaawa-Taako dhawaca ka dhashayna uu intaas ka badanyahay.

Suxufiyiinta iyo Sariw qaadayaasha ayaan ilaa iyo haatan loo ogolaan in ay galaan goobta waxaana ay sheegeen in ay ciidamadu u adeegsanayaan rasaas cid kasta oo isku dayda in ay gubto,dhinaca kalana laamaha amnigu wax war ah kama soo saarin qaraxaas iyo khasaaraha uu geystay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media