Tirada dadka uu ku dhacay Cudurka COVID-19 ee Somalia oo sare kacday

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee kasoo saartay Cudurka COVID-19 ee dalka waxaa ay ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay la diiwaan-geliyay 109 oo kiisas cusub ah.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir (14), Somaliland (52) Jubbaland (8), Galmudug (2), Koonfur Galbeed (32)  iyo Hirshabeelle (1) qof, 68ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 41-na ay yihiin haween.

Saacadihii ugu dambeeyay Cudurka COVID-19 ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday 2 qof, Somaliland 2 qof iyo Koonfur Galbeed oo 2 qof, waxaana dadkaas ay kamid ahaayeen dhammaantood dad uu horey ugu dhacay Cudurka.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee guud dalka Soomaaliya laga diiwaan-geliyay ayaa haatan gaartay 9,437 waxaa bogsootay 4,306 Ruux. guud ahaan 385 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor