Tirada dadka ugu geeriyooday COVID-19 ee Puntland oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay Dad cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka laga baaray 33 qof, isla markaana laga helay 6 ka mid ah dadka, kuwaasi oo la ogaaday inay Cudurka qabaan, kadib markii baaris lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka ayaa ku kala sugan Magaalada Gaalkacyo 1 qof ah iyo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo 5 ruux ah, waxaana dadkaas ay da’dooda u dhexeysaa 15 sano jir ilaa 47 sano jir.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu xusay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka halkaas uu ugu geeriyooday 1 qof oo kamid ahaa dadkii horey looga helay,

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulka Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 270 qof, waxaana u geeriyootay 8 qof, iyadoona ay bogsadeen 43 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media