Tirada dadka ugu dhintay Soomaaliya Cudurka COVID-19 oo sii korortay

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 ee 24-kii ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay gudaha dalka.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ay ku sheegtay in la diiwaan-geliyay 244 xaaladood oo cusub, waxaana Gobolka Banaadir laga helay 29 qof, Somaliland 45 qof, Jubbaland 7 qof, Hirshabeelle 6 qof, Galmudug 3 qof, Koonfur Galbeed oo laga 2 ruux iyo Puntland oo hal isbuuc laga helay 152.

Dadka laga helay Cudurka ayaa waxaa 153 kamid ah ay yihiin  rag, halka 91 qof kalena ay Dumar yihiin, waxaana Wasaaradda Caafimaadka shaacisay in Cudurka ay ka bogsadeen 61 ruux oo uu horey ugu dhacay.

Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa COVID-19 Magaalada Muqdisho ugu geeriyooday 8 qof, Puntland 4 qof, Somaliland 4, Galmudug 1 iyo Koonfur Galbeed oo 1 qof ah, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dadka la jiifay  xanuunka.

Tirada guud ee COVID-19 laga diiwaan-geliyay ayaa haatan gaartay 9,190,  isla markaana waxaa ka bogsatay 4,230, waxaana u geeriyooday 367 qof , sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor