Tirada dadka ugu dhintay COVID-19 ee Somaliland oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta tallaado ah shaacisay Natiijada kasoo baxday dad hor leh oo laga baarey Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay 14 ruux oo Cusub, kuwaasi oo jirkoodka laga qaaday dhiicaano, kadibna la xaqiijiyay inay qabaan Cudurka.

Dadka laga helay Cudurka oo isugu jira rag iyo dumar ayaa dhammaantood ku sugan deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad si loo geliyo xaalad karantiil ah.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xustay in 2 qof oo hor leh ay Cudurka COVID-19 u geeriyoodeen, kuwaasi oo ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Tirada dadka laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19 ee deegaanada Somaliland ayaa gaartay 200 oo qof, halka ay Cudurka ugu geeriyoodeen halkaas 17 qof, waxana kla bogsatay Cudurka dad farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media