Tirada dadka lagu dilay dagaalka Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo la shaaciyey

Idaacadda FANA Radio ee ku hadasha Codka Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Ugu yaraan 21 qof oo lagu dilay dagaalkii 2-dii maalmood ee la soo dhafaay ka socday magaalladda Moyaale ee Koonfurta Ethiopia, kuna dhow Xuduudka Kenya,

Fana Radio waxay ka soo xigatyay Sarkaal ka tirsan Maamul-gobaleedka Oromadda in 61 qof lagu dhaawacay Iska-horimaadkaasi oo ku salaysan Milkiyadda magaallada Moyaale.

Tan iyo markii uu Ra’isul-wasaaraha Isbedel-doonka ee Ethiopia, Abiy Ahmed uu Awoodda la wareegay bishii April ee sannadkan waxaa dhacay mowjado colaadeed oo ku salaysan Nidaam Beeleed, iyadoo Qowmiyadda Oromadda ee uu RW Abiy Ahmed ka soo jeedo ay duullaan joogto ah ku hayaan Soomaalida ku nool dhulka Soomaalida ka deggan yihiin Bariga Ethiopia.

Sannadkii hore, dagaal Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda dhex maray waxaa lagu dilay boqolaal qof,  waxaana ku barakacay in ka badan hal million oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor