Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 155 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Warbixinta maalinla ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta Feyruska Karoona, ayaa lagu sheegay in xaaladaha cusub laga diiwaan galiyey gobolka Bamaadir (22), Somaliland (93), Jubbaland (20), Puntland (14), iyo Hirshabeelle (6qo)f, 109ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay in laga helay feyras Karoona waa rag, halka 46-na ay yihiin haween.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa shaacisay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 ay Somaliland ugu geerioodeen 10 qof iyo Magaalada Muqdisho oo laba qof ah ugu dhintay, waxaana ka bogsatay 32.
Guud ahaan Tirada xaaladaha COVID-19, ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 10,369, waxaa bogsootay xanuunka 4,564 Ruux. guud ahaan 453 ruux ayaana u geeriyootay.