Warbixin cusub oo ka soo baxday machadka maxalliga ah ee SIDRA ayaa daaha ka rogtay tirada barakacayaasha ku nool magaalada Garoowe, kuwaas oo lagu qiyaasay inay gaarayaan 8,500 oo qof. Cilmi-baaristan ayaa iftiimisay in dadkan ay barakaceen sababo la xiriira colaadaha ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya, abaaraha, iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah ee dalka ka jira.
Maxamed Bashiir Siciid, oo ka tirsan machadka SIDRA, ayaa waraysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in cilmi-baaristooda ay ku ogaadeen dhowr caqabadood oo hortaagan dadka barakacayaasha ah ee Garoowe ku sugan. Caawinta dadkaasi wuxuu tilmaamay inay sii adkaaneyso, iyadoo caqabadda ugu weyn ee haysata ay tahay xirfad yari iyo faqriga ba’an, gaar ahaan kadib markii isticmaalka shilinka Soomaaliga uu hoos u dhacay deegaanada Puntland oo ay aad ugu tiirsanaayeen dadkani.
Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in goobaha barakacayaashu ay ku nool yihiin aysan lahayn adeegyo muhiim ah sida waxbarashada sare iyo xarumo lagu barto farsamada gacanta, taasoo sii xumeynaysa fursadaha ay bulshadaasi ku horumari karaan. Machadka SIDRA ayaa ku booriyay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah inay tallaabooyin degdeg ah ka qaadaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha dadkaasi.