Tijaabada talaalka Cudurka COVID-19 oo soo gaartay Dal ku yaalla Afrika

Mid ka mid ah xarumaha cilmibaarista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19.

Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka.

Mas’uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada.

Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray “tallaal dadka oo dhan anfaca”.

Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba’an ku haya caalamka, ee Covid-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media