Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey laba Nin oo watay bastoolado oo xaafad ka tirsan Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ee halkaas ku sugnaa.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in dad shacab ah ay gacanta ku dhigeen labada ruux ee dishay Askariga, xilli ay doonayeen inay goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsadaan.
Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in falkaan lagu khaarijiyey Askariga Booliska ka tirsanaa uu ka dhacay agagaarka kaawada Kabasiini ee Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan, isla markaana halkaas lagu qabtay labada nin ee dilka geysatay.
Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa tilmaamay in labada nin markii la qabtay ay wateen hubkii ay ku dileen askariga “Labada Nin ayaa waxaa la wareegay ciidanka ammaanka, ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgay doonaa Maxkamada xukunkooda awooda u leh, Ilaahay idiinkii,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliiyada qaarkood ka dhaca falal amni darro oo geystaan rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi inta badan ka baxsada goobta ay falalka ama weerarada ka geystaan ee Muqdisho.