Talyaaniga oo shaaciayy inuu ka qayb qaadanayo Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa kulan aalada fogaan aragga kula qaatay Safiirka ku xigeenka dalka Talyaaniga ee u fadhiya Soomaliya Amb. Massimiliano Bertollo, Madaxa Arrimaha Bani’adannimada ee wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga iyo Madaxa Agaasinka Afrika.

Ugu horreyn, waxa ay ka wada hadleen shir doceedka heerka sare ee ay dowladda Talyaaniga qabanqaabinayso kaas oo lagu wado in uu ka dhaco New York inta uu socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Intaas kaddib, Ergeyga ayaa ka dhageystay safiirka iyo Madaxa Arrimaha Bani’aadannimada ee wasaarada Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Talyaaniga ka wado gudaha waddanka Soomaliya.

Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga si ay u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga ayaa sidoo kale ka codsaday in ay si dhaqso leh dib u billaabaan taakulaynta ay siin jireen cusbitalka Martiini, Cusbitalka Jowhar, Xudur iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu dabiibayo dad fara badan oo nafaqo darri ka dhalatay abaarta dalka la daala dhacaya.

Ugu danbeyn, Safiir ku xigeenka iyo Madaxa Arrimaha Bani’aadannimada Dowladda Talyaaniga, ayaa boggaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso Arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo fududeynta ayaa u ballan qaaday Ergeyga in Dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto iska xilsaarista howlaha Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor