Tallaalka Cudurka COVID-19 oo si rasmi ah looga bilaabay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo tallaado waxaa si rasmi ah looga bilaabay tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah ee COVID-19 oo shalay soo gaaray Caasimadda dalka, kana yimid dalka Kenya.

Munaasabadda lagu daah-furayay tijaabada tallaalka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka ee xilka sii-heysa Fowsiya Abiikar Nuur, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, bahda Caafimaadka iyo dadweyne oo badan kale.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa lagu bilaabay tallaalka la keenay Soomaaliya gaar Mqudisho oo lagu dhuftay Cerbadii ugu horreeysay iyo xubno kale oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda ayaa sheegtay inay heshay qeybtii kowaad tallaalka COVID-19 oo noociisu yahay  Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaatan illaa iyo 300,000 oo qof oo ah shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore ugu jira la-dagaalanka xanuunka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay guud ahaan cid walbo gacan ka geysatay keenista tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya, iyagoona sigaar ah ugu mahadceliyay Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor