Tallaabada xigta ee loo qaadayo Mooshinka xilka qaadista Donald Trump oo la shaaciyay

Xildhibaannada ka soo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga ee ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka ayaa soo bandhigay qorshahooda ku aaddan tallaabada xigta ee ay u qaadayaan dadaalkooda la xiriira sidii ay mooshin xil ka qaadis ah uga soo gudbin lahaayeen madaxweyne Donald Trump.

Mooshinka ayaa hadda noqon doona mid ay dadweynaha ka war-heyn doonaan marxaladaha uu marayo, waxaana hoggaamintiisa lagu wareejinayaa guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee aqalka, Adam Schiff.

Sidoo kale dhageysiga dacwadaha la xiriira eedeymaha loo jeedinayo madaxweynaha ayaa si toos ah loogu baahin doonaa shacabka.

Golahan ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ayaa maalinta Khamiista ah cod u qaadi doona tallaabadan cusub.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid “aan sharciga waafaqsaneyn”.

Ilaa hadda, dhageysiga eedeymaha ka dhanka ah Mr Trump ayaa u socday hab qarsoodi ah oo ay albaabbada u xirnaayeen, balse hadda ka dib waxaa la damacsan yahay in loo fasaxo saxaafadda.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay sidii uu dowladda Ukraine cadaadis ugu saari lahaa inay baaritaanno ku sameyso musuqmaasuq lala xiriiriyay siyaasiga loollanka kula jira ee lagu magacaabo Joe Biden iyo wiilkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media