Sawirro:-Taliyihii Qaybta 43’aad Ciidamada Xoogga ee loo diiday inuu Kismaayo ka dago oo gaaray Garbahaarey

Gen” Cali Maxmed Maxamuud ( Bogmadow) oo Saakay diyaaradii siday laga Celiyay garoonka kismaayo ayaa Sida la  xaqiijiyay Goordhow  ka dagay Degmadda Garbahaarey Ee gobalka Gedo oo Si diirran loogu sodhaweyay

Jubbland Ma’ahan Axmed Madoobe iyo kismaayo kaliya ee Gobolka Gedo ayaan Shaqadeyda ka bilaabayaa ayuu yiri Gen, Bogmadow.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo,Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaas iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweysay,waxana la filayaa in maalmaha soo socda uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanada gobolka Gedo.

Maanta barqadii ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalda Kismaayo loo diiday in uu ka dego taliyaha qeybta 43aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,waxana Jubbaland ay sheegtay in aan lagala tashan Magacaabista taliyahaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor