Taliyihii CID -da Booliska Beledweyne oo ku geeriyooday Qarax Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Halgan

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib markii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay saaka aroornimadii hore ee weerareen goobo ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawisleyda ay ku leeyihiin degmada Halgan ee Gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Halgan ayaa sheegaya Qarax xooggan uu ka dhacayd egmaadasi, waxaana Qaraxasi uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray fariisimo ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Macawisleyda ay ku lahaayeen degmdaasi.

Qaraxa ayaa dhacay iyada oo lagu jiro Saaladda Subax, waxaana si gaar ah uu kaga dhacay aga-gaarka xaruun ay deganaayeen ciidamada Dib-u-xoreynta isla markaana dhacda Faras magaalada Halgan.

Inta la xaqiijiyay Taliyiihii CID -da Saldhigga Booliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxaasi waxaana dhaawac uu soo gaaray hal qof oo kamid ah ciidamada Macawisleyda ee dagaalka kula jira AL-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uusan jirin wax khasaare kala ah oo ka dhashay qaraxaasi ama wax yeelo kale soo gaartay dadka shacabka ah ee Halgan deggan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor