Taliye Odawaa oo ka hadlay howlgal Ciidanka DANAB ku burburiyeen Saldhig weyn

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa xalay degaanka Buqa-qable ee Gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas laga fuliyey Buqa-qable lagu bartilmaameedsaday Saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi

Taliye Odawaa ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay ugu yaraan 18 dagaalame kana tirsanaa Al-shabaab oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen Ciidanka DANAB, waa sida uu hadalka  u dhigay Taliyaha.

Sidoo kale Wararka SONNA ayaa intaas kusii dartay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buqa-qable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gobolka Hiiraan ka socday howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, waxaana sidoo kale Gobolkaas ka dhacay dagaalo khasaaro badan geystay oo dhexmaray Ciidanka dowladda, kooxda macwiisleyda iyo Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor