Taliye Mahad Salaad oo Amray in baaris Deg-deg lagu sameeyo dilkii Bakaal Kooke

Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) Mahad Salaad, ayaa qoraal uu ku baahisay bartiisa twitter-ka waxa uu uga hadlay dilka taliyihii NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke).

Mahad Salaad oo tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka dhintay Marxuum Bakaal Kooke ayaa faray qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskaan.

Qarax miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Taliye Bakaal Kooke lagula eegtay inta u dhexeeysa Luuq iyo degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana qaraxa uu haleelay gaari ciidan oo uu watay Taliyihii Nabadsugida ee Gobolkaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxaa ay tilmaameen in weerarka ay ku furteen hub, iyagoo intaas kusii daray in mudo ay ku raad joogeen saraakiishan ay beegsadeen.

Si kastaba, marxuum Bakaal Kooke ka sokow inuu ahaa taliyihii Nabad Sugida gobolka Gedo, waxa uu sidoo kale ahaa wakiilkii dhamaaa ee gobolkasi Gedo ee dowladdii Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ilaa waayadaan danbe ay muuqatay saameyntiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor