Taliye Mahad Cabdiraxmaan oo fariin u diray Ciidamada Asluubta Dowladda

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo taliye ku-xigeenka Ciidanka ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo u kuur galay shaqada Ciidanka Asluubta.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo kordhin lahaa sugidda amniga xabsiyada iyo ka qeyb-qadashada amniga dalka, maadaama ay fooda nagu soo heeyso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Gen Cabdikariin Cali Afrax  ayaa sheegay in looga baahan yahay Ciidanka Asluubta in xili walaba ay usoo jeedaan sidii ay Al-shabaab uga difaaci lahaayeen dalka iyo dadka, waa sida yy hadalka u dhigay.

Gen. Mahad C/raxmaan  Aadan oo la hadlayay Ciidamada suga Amniga Taliska asluubta ayaa ku bogaadiyay shaqada ay qabtaan, isagoo faray hoggaanada ciidanka inay xoojiyaan amniga, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan fooda nagu soo heyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor