Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in in halkaasi lagu dhaawacay taliye kuxigeenkii Ciidanka Booliska Maamulka Puntland.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen in taliye kuxigeenka Ciidanka booliska Puntland Bile faarax Cali uu ku dhaawacmay israsaaseyn ilaaladiisa iyo ciidamo ku sugnaa deegaanka Buuro Wada lee duleedka Garoowe.
Dhaawaca taliyaha ayaa waxaa xilligaan lagu daweynayaa Isbitaalka Wey nee Magalada Garoowe,waxaan wararkii u dambeeyey ey sheegayaan in xaaladiisa caafimad ay soo hagaageyso.
Weli wax war ah kama soo bixin laamaha amniga Puntland eek u aadan dhaawaca taliye kuxigeenka Ciidanka booliska Puntland Bile faarax Cali.