Taliye ka tirsan Ciidanka Xoogga oo ku dhintay Dagaalkii Deynuunaay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Daynuunaay, waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalka kadib Al-shabaab ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga qeybta 60aad ayaa sheegay in dagaalkaas ka dhacay deegaanka Daynuunaay lagu dilay Taliyihii Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed G/ Maxamed isxaaq iyo Askarta kale.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaaro dhaawacyo ah oo soo saaray Askarta Ciidamada ee dagaalka saakay la galay Al-shabaab, waxaana dhaawacyada loo qaaday dhanka Magaalada Baydhabo

Qoraal lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaal oo socday muddo kooban ay kula wareegeen Daynuunaay,  isla markaana haatan ay halkaas ku sugan yihiin, waxaana wararka qaarkood ay tilmaamayaan in Ciidanka dowladda ay wadaan abaabul ay dib ugula wareegayan deegaankaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media