Taliye Cusub oo loo soo magacaabay Taliska Hawlgalka Maraykanka ee AFRICOM

Aqalka Senedka ee dalka Maraykanka waxay dhawaan ansixiyeen magacaabista Taliyaha cusub ee Hawlgalka Maraykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM, Jeneral Stephen  James Townsend.

Taliyaha Cusub  waxa uu beddeli doonaa Taliyihii hore ee Hawlgalka Ciiddamadda Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Africa ee AFRICOM, Jeneral Thomas David Waldhauser, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo sannadkii 2016-KII.

Ansixinta Taliyaha cusub ee AFRICOM ayaa ka dambaysay, kadib, markii ay Guddiga Senedka Maraykanka ugu qaabilsan Hawlaha Ciiddamadda ay bishii March 19-dii ee sannadkan soo gudbiyeen Talo-jeedin ku aadanayd inuu Jeneral Stephen James Townsend noqon doono Taliyaha cusub ee la wareegi doona Hawlgalka AFRICOM.

Taliyahan cusub oo ah Taliyihii 5-aad ee madax ka noqda Hawlgalka AFRICOM waxa uu tan iyo bishii March ee sannadkii hore ee 2018-kii ahaa Taliyihii Taliska Tababarka Ciiddanka Maraykanka iyo Siyaasadda Guud, wuxuuna dhawaanahan u xil saarnaa Dagaalka ay Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa ay Isbahaysiga ee Kooxda Daacish kula dagaalamayey gudaha dalalka Iraq iyo Syria.

Dhinaca kale, Taliyaha Cusub ee AFRICOM, Jeneral Stephen  James Townsend oo 59 jir waxaa iska dhalay Hooyo Jarmal ah iyo Aabe u dhashay Afganistan, waana Xaasle leh 2 wiil oo mid ka mid ah  Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Maraykanka, halka kan kalena uu yahay Arday Jamaacadeed.

Taliska AFRICOM waxay xiriir wada-shaqayn la leeyihiin 51 Dowlado Afrikaan ah, oo ay ka taageeraan dhismaha Awoodooda Difaaca iyo Ciiddankooda Ammaanka, waxayna Hawlgalo duqeyn Diyaaradeed ka fuliyaan  dalka Somalia iyo Waddamo kale oo ay ka hawl-galaan Ururo hubeysan oo gacan-saar la leh  Alqaacida, Boko Haram iyo Daacish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media