Taliye cusub oo loo magacaabay Milliteriga dalka Suudaan

Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi waxay sheegeen inay Dib-u-habayn ku sameeyeen Taliska Milliteriga,isla markaana ay  magacaabeen Taliye Cusub.

Jeneral Haashim C/madalib Axmed Babakar ayaana loo magacaabay Taliyaha Ciiddanka dalkaasi, waxaana Ku-xigeenkiisa loo magacaabay Jeneral Maxamed Othmaan Al-xueen.

Dhinaca kale, Dibadbaxayaasha waxay maanta is-hor taageen Isku-day ay Ciioddamadda ku kala kaxayn lahaayeen Dibadbaxayaasha weli fadhiya agagaarka Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Difaaca oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Ciiddamo ayaa lagu ururiyey saddexda dhinac halka ay Dibadbaaxyaasha fadhiyaan, si ay u qaadaan dhagxaanta iyo biraha jidgooyadda u ahaa Dibadbaxayaasha, balse, Dibadbaxayaaha waxay is-qabsadeen gacmaha, si ay uga hor tagaan qorshaha Ciiddanka.

Dibadbaxayaasha oo tiradooda lagu qiyaasay shan kun oo qof, kuwaasi oo ku dhawaaqayo “Xorriyad iyo Kacan”.

Kooxda ugu weyn Dibadbaxayaasha Mucaaradka ee Ururka Xirfadlayda ee SPA waxay soo saareen baaq degdeg ah, oo ay Dibadbaxayaasha kaga codsadeen inay ku soo biiraan dibadbaxyadda fadhiya agagaarka Xarunta Wasaaradda Difaaca.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media