Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa Maanta oo axad ah waxa uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharax xilka Madaxweyne Puntland 2019.
Gen Siciid dheere oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magalada Garoowe ayaa sheegay in uu musharax u yahay xilka Madaxweynaha Puntland,isla markaana hadii uu ku guuleysto uu wax badan qaban doono.
Taliyaha mashaacin in uu iska casilay xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntlan doo uu hadda yahay,waxana uu ka mid noqday musharixiinta dhowrka ah ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamlka Puntland.