Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa xilalkii u kala wareejiyay taliyihii hore ee saldhiga bartamaha Garowe iyo taliyaha cusub ee saldhiga oo dhawaan loo Magacaabay Saldhiggaasi.
Gaashaanle Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) ayaa xilkii saldhiga bartamaha ku wareejiyay taliyaha cusub ee saldhiga bartamaha Garowe Dhame Mahad Axmed Maxamuud.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa taliyaha cusub ee Saldhiga bartamaha Garowe faray inuu si wanagsan bulshada ugu shaqeyo shaqo hufnaan ku dhehan tahayna la yimaado.
Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali ayaa sido kale taliyihii hore ee Saldhiga bartamaha G/le Fardafuul ku amaanay shaqadii adkayd uu soo qabtay iyo siduu bulshada ula shaqeyay.