Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, oo dhowaan xilka la wareegay, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya,Amb. Mario Daccò Coppi.
Kulankan muhiimka ah ayaa salka ku hayay horumarinta iskaashiga labada dal ee dhanka amniga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda.
Qodobka ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa kordhinta tababarada xirfadeed ee ay Dowladda Talyaaniga siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Tababaradan oo isugu jira kuwo gudaha iyo dibadda ah ayaa lagu talogalay inay sare u qaadaan awoodda iyo xirfadda ciidanka, taas oo qayb muhiim ah ka ah dib-u-habaynta hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya.
Danjire Mario Daccò Coppi ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliyeed ay ku sugayaan amniga, isaga oo ballanqaaday in Dowladda Talyaaniga ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarada, qalabaynta, iyo bixinta garab istaag farsamo oo dhinacyo badan leh.
Waxa kale oo lagu falanqeeyay kaalinta Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta nidaamka cadaaladda, gaar ahaan sidii booliska Soomaaliyeed loogu qalabayn lahaa ka hortagga dambiyada cusub, xoojinta sharciyada, iyo sugidda nabadgelyada.
Kulanka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallada dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan tan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaanta siinaysa sidii loo dhisi lahaa hay’adaha amniga oo shaqadooda si hufan u gutta. Dowladda Talyaaniga ayaa muddo dheer xiriir taariikhi ah la lahayd Soomaaliya, waxayna hadda kaalin weyn ku leedahay mashaariicda horumarinta booliska iyo taageerada ay siiso ciidamada, taas oo ujeedadeedu tahay in la xaqiijiyo nabad waarta oo ka hirgasha dalka.