HomeWararTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Maray Fariisimaha Ciidanka ee Degmada...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Ku Maray Fariisimaha Ciidanka ee Degmada Ceel Dheer

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ka howlgala. Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo sida ay u fuliyaan waajibaadkooda difaaca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ka howlgala.

Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda ciidamada iyo sida ay u fuliyaan waajibaadkooda difaaca dalka.

- Advertisement -

Sarreeye Gaas Odawa ayaa bogaadiyay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay uga difaacayaan dalka iyo dadkooda kooxda Al-Shabaab. “Waxaad tihiin halyeeyo u taagan difaaca qarankeenna. Hawlaha aad qabataan waa kuwa mudan in lagu faano,” ayuu yiri Taliyaha intii uu booqashada ku guda jiray.

Intii uu ku sugnaa Ceel Dheer, Taliyaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada gobolka. Kulammadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hawlgalka ciidanka iyo qorsheyaasha horumarineed ee amniga.

Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ayaa saraakiisha faray inay ka go’naadaan fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Sarreeye Gaas Odawa ayaa sidoo kale sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Galgaduud la dardargelin doono. Wuxuu ciidamada ku booriyay inay u diyaar garoobaan howlgallo waaweyn oo la filayo inay bilaabaan maalmaha soo socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah fadhiisimaha muhiimka ah ee ciidamada, halkaas oo uu kula kulmay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka. Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan difaaca shacabka iyo in lagu sii adkeeyo nabadda laga hirgeliyay deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah.

Kormeerka Sarreeye Gaas Odawa Yusuf Raage ee Degmada Ceel Dheer ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida deegaannada ay saameeyeen AS.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts