Taliyaha Ciidanka Xogga oo abaabul dagaal ka wada gobolka Hiiraan

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo kulamo kala fuwan uu ka bilaabay.

Odawaa Yuusuf Raage oo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay Beledweyne tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa kulamo looga hadlay la dagaalanka Alshabaab la qaatay saraakiisha qeybta 27-aad.

Dhinaca kalana isaga iyo saraakiisha kale ee uu hogaaminayo ayaa kormeeray talisyada ciidanka xoogga qeybtooda 27-aad ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka xoogga ayaa muddooyinkii dambe waxa uu ku sugnaa deegaano ka yirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaana uu kormeeray xeryaha ciidanka ee ku yaalla halkaa isaga oo faray saraakiisha in ay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media