Taliyaha Ciidanka AMISOM oo socdaal lama filaan ku tegay Jowhar

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM  qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar, taas oo qeyb ka ah booqashadiisa isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda waaxood ee AMISOM.

Ciidamada  Burundi  oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah  dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Muqdisho.

Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOM kala hadlay dardargalinta waxqabadka Ciidamadaasi iyo ka qeyb qaadashada dadaalka loogu jiro soo celinta nabadda, ka hortagga kooxaha hubeysan ee loogu yeero argagixisada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media