Taliyaha Booliska Maamulka Puntland oo Maanta magacaabay Taliyeyaal cusub

Taliyaha Booliska dowlad Goboleedka Puntland Sarreeyo Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Taliyeyaal cusub magacaabay qaar kamid ah  Saldhigyada Booliska degmooyinka Maamulka Puntland, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha.

Taliye Sarreeyo Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa magacaabay illaa 6 Taliye Saldhigyo Boolis, isla markaana xilka qaadis ku sameeyay Taliyeyaashii hore ee xilalkaas haayay, wuxuuna Taliyeyaasha cusub faray inay toos u gutaan waajibaadkooda shaqo.

1- Taliyaha Saldhiga Galbeed ee Garoowe ayaa loo magacaabay Laba Xiddigle Axmed Cali Shire.

2- Taliyaha Saldhiga Badhtamaha Garoowe ayaa loo magacaabay Dhamme Mahad Axmed Maxamuud.

3- Taliyaha Saldhiga degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ayaa loo magacaabay Dhamme Cabsirashiid Muuse Biriir.

4- Taliyaha Saldhiga degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Laba Xiddigle Cabdicasiis Faarax Axmed.

5- Taliyaha Saldhiga degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa loo magacaabay Xiddigle Cabdiraxmaan Salaad Guul.

6- Taliyaha Saldhiga degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa loo magacaabay Xiddigle Xabiib Maxamuud Shire.

Magacaabistaan ayaa timid ka dib dadaalo uu waday Taliyaha Ciidanka Booliska dowlad Gobaleedka Puntland Sarreeyo Guuto Maxamed Cali Xaashi oo lagu sugayo amniga dhammaan degmooyinka dowlad Gobaleedkaas oo mararka qaarkood falal amni darro ka dhacaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor